Andreas Pereira oo ku kaftamay inuu taleefoonka ka xadi doono Paul Pogba si uu garoonka Old Trafford usii joogo.

(England) 21 Luulyo 2019. Xiddiga khadka dhexe kooxda Man United Andreas Pereira ayaa sameyn doona wax walba oo suuragal ka dhigi kara in Paul Pogba uu sii joogo garoonka Old Trafford xagaagan, xitaa hadii ay noqoto tuuganimo.

Xiddiga reer France waxaa si ba’an loola xiriirinayaa inuu isaga guuri doono Old Trafford, waxaana la fahamsan yahay in rabitaankiisa uu yahay ku biirista Madrid, balse kooxda caasimadda ka dhisan kuma faraxsana lacagaha ay Red Devils duldhigtay madaxa xiddigaan.

“Hadii ay lagama maarmaan noqoto, waxaan ka xadi doonaa taleefoonkiisa si uusan qofna ula hadlin” ayuu ku kaftamay Andreas Pereira.

“Maalin walba waxbaan ka bartaa, waa mid ka mid ah saaxiibadeyda ugu fiican, waxaan aqaanay ilaa 16-jirkeygii”

“Wuxuu iila mid yahay xubin qoyskeyga ka mid ah”

GOOL FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close