Xiddigii ugu fiicnaa, gooldhaliyihii ugu sarreeyey & Sida loogu kala guuleystay abaal-marinnada koobka qarammada qaaradda Afrika 2019

(Qahira) 20 Luulyo 2019. Koobka qarammada qaaradda Afrika 2019 ayaa xalay lagu soo gabagabeeyey waddanka Masar, waxaana ku guuleystay xulka qaranka Algeria markii uu 1-0 ku cabay Senegal.

Haddaba waxaan halkaan hoose idin kugu soo gubdinaynaa sida loogu kala guuleystay abaal-marinnada koobka qarammada qaaradda Afrika 2019 oo xalay la soo gabagabeeyey:-

>- Xulka qaranka Algeria ayaa xalay markoodii labaad taariikhda ku guuleystay koobka qarammada Afrika 2019 kaddib markii ay garaaceen Senegal, waxaana ay horay u qaadeen tartankan sanadkii 1990-kii.

>- Odion Ighalo ayaa ku guuleystay abaal-marinta gooldhalinta tartanka qarammada qaaradda Afrika 2019 kaddib markii uu dhaliyey shan gool.

>- Ismaël Bennacer ayaa ku guuleystay laacibkii ugu fiicnaa tartanka koobka qarammada qaaradda Afrika 2019, kaddib bandhig cajiib ah oo uu sameeyey.

>- Raïs M’Bolhi ayaa isna ku guuleystay abaal-marinta goolhayihii ugu fiicnaa koobka qarammada qaaradda Afrika 2019 kaddib markii goolhayahan xulka qaranka Algeria uu shabaqiisa gool ka ilaashaday shan kulan intii uu socday tartankan.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close