Soo dhoweyn halyeynimo oo loo sameeyey xulka qaranka Algeria, kaddib markii ay dib ugu laabteen dalkooda hooyo… + SAWIRRO

(Qahira) 20 Luulyo 2019. Xulka qaranka kubadda cagta Algeria ayaa la kulmay soo dhoweyn halyeynimo oo aad u ballaaran markii ay ku laabteen dalkooda hooyo, kaddib markii ay ku soo guuleysteen koobka qarammada qaaradda Afrika 2019.

Xulka qaranka Algeria ayaa xalay markoodii labaad taariikhda ku guuleystay koobka qarammada Afrika kaddib markii ay 1-0 garaaceen Senegal, waxaana ay horay u qaadeen tartankan sanadkii 1990-kii.

Kumanaan taageerayaal Algerian ah ayaa u socdaalay garoonka diyaaradaha dalkaasi si ay u soo dhoweeyeen geesiyaashooda u soo hooyey koobka qarammada Afrika.

Qaar ka mid ah taageerayaashan Algeria ayaa xiddigaha xulkooda ku sugayey afaafka hore ee garoonka diyaaradaha, halka kuwo kalena wadada ay soo mari lahaayeen ay safaf dhaadheer u galeen.

Markii xiddiga xulka qaranka Algeria ay ka soo dageen garoonka diyaaradaha waxaa lagu soo qaaday Baska weyn ee dusha ka furan si ay salaan uga qaataan taageerayaashaas faraha badan.

Taageerayaasha ayaa markii dambe isugu soo aruuray garoonka ugu weyn ee magaaladaas iyagoo sare u hayey calankooda, waxayna cod dheer ugu dabaal-dageen in xulkoodu ku soo guuleystay koobka qarammada qaaradda Afrika 2019.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close