SAWIRRO: Kooxda Liverpool oo soo bandhigtay maaliyaddeeda saddexaad oo ay ku ciyaari doonto xilli ciyaareedka cusub ee 2019/20

(Liverpool) 20 Luulyo 2019. Kooxda kubadda cagta Liverpool ee ka dheesha horyaalka Premier League ee dalka Ingiriiska ayaa maanta soo bandhigtay maaliyaddeeda saddexaad oo ay ku ciyaari doonto xilli ciyaareedka cusub.

Reds waxa ay shaacisay maaliyaddeeda saddexaad oo ay ku dheeli doonto fasal ciyaareedka cusub ee 2019/20.

Labiskan cusub oo ay kooxda Liverpool ku ciyaari doonto xilli ciyaareedka cusub waxaa farsameysay shirkadda qalabka isboortiga ee NB.

Soo bandhigtista maaliyaddan cusub ee Liverpool waxaa ka qeyb qaatay Jordan Henderson, Virgil van Dijk, Alex Oxlade-Chamberlain iyo kuwo kale.

Maaliyaddaan saddexaad ayaa midabkoodu yahay Madow, iyadoo maaliyadda ay shafka kaga qoran yihiin magaca shirkadda ay xayeysiiyaan ee Standard Chartered, astaanta kooxda iyo midda shirkadda NB.

Kooxda ka arrimisa garoonka Anfield ayaa horay u soo bandhigtay maaliyadda ay Minin iyo Marti ku ciyaari doonto xilli ciyaareedka cusub ee 2019/20.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close