Niko Kovač oo ka hadlay wararka xanta ah ee la xiriirinaya Gareth Bale suurtogalnimada uu ugu biiri karo Bayern Munich

(Bayern) 20 Luulyo 2019.Tababaraha kooxda Bayern Munich ee reer Croatia Niko Kovač ayaa ka warbixiyay diyaargarowga naadigiisa ee xili ciyaareedka cusub iyo heshiisyada ay ka doonayaan inay ka sameeyaan inta ka harsan suuqan xagaaga.

Niko Kovač ayaa ka soo muuqday shir jaraa’id ee qaas ah kahor kulanka saaxiibtinimo ay la ciyaari doonaan kooxda Real Madrid, kaasoo ay ugu diyaar garoobayaan xili ciyaareedka cusub.

Macalinka reer Croatia ayaa dhinaca kale si cad kaga hadlay suurtogalnimada uu Gareth Bale ugu biiri karo kooxda Bayern Munich wuxuuna yiri:

“Maya Gareth Bale qeyb kama ahan qorshaha suuqa kala iibsiga ee Bayern Munich xagaagan, waan arki doonaa waxa aan sameyn karno xiliyada soo socda, balse ma sameyn doono saxiixa Bale”.

Si kastaba ha ahaateen, magaca Gareth Bale ayaa lala xiriirinayay inuu ka tagayo kooxda Real Madrid suuqan xagaaga, si uu ugu biiro, midkood kooxaha waaweyn ee Yurub ay ugu horeeyaan Bayern Munich, Tottenham Hotspur iyo Manchester United.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close