Goorma ayey Manchester United ku dhawaaqeysaa saxiixa Bruno Fernandes? Wariye reer talyaani ah ayaa faafiyay arrintaan.

(England) 20 Luulyo 2019. Man United ayaa lagu soo warramayaa iney aad ugu dhawdahay dhameystirka heshiiska kubad sameeyaha kooxda Sporting Lisbon “Bruno Fernandes” kaas oo noqonaya saxiixa saddexaad ee kooxdaan ay sameyso xagaagan.

Red Devils si weyn ayaa loola xiriirinayaa xiddiga heerka caalami, waxaana Old Gunnar uu doonayaa iney wiilashiisa ka qeyb galaan tartanka ay dhamaan kooxaha u gali doonaan tartamada ay ka qeyb galayaan, waxaana muuqata iney kooxdiisa tartanka xiddigaan kaga adkaatay Liverpool & Tottenham Hotspur.

Waxaa la fahamsan yahay in Miguel Pinho oo ah wakiilka xiddigaan uu maalmahii ugu dambeeyay ku sugnaa dalka Ingiriiska, si uu kaga shaqeeyo heshiiska uu xiddigaan kaga mid noqonayo Red Devils.

Sida laga soo xigtay wariyaha reer talyaani Tancradi Palmeri, 24-jirkaan reer Portugal ayaa dhameystiri doona ku biirista kooxda shayaadiinta cas-cas isbuucaan gudahiisa.

Bruno Fernandes ayaa dhaliyay 32 gool, isagoo caawiyay 18-gool kale, 53-ciyaarood uu kooxdiisa u saftay dhamaan tartamada oo dhan fasalkii lasoo dhaafay.

Red Devils dhamaan saddexdii ciyaarood ee saaxiibtinimo wey guuleysatay, waxeyna horay ula saxiixdeen Daniel James iyo Aaron Wan-Bissaka kuwaas oo muuqaalo qurux badan ka sameynaya kulamada kooxda.

Waxaa la rumeysan yahay in Bruno Fernandes uu imaanayo Old Trafford, isla markaana qaadan doono isbuucii hadii uu yimaado adduun dhan 100,000 kun oo Pound.

GOOL FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close