Zidane oo ka hadlay heshiisyada cusub ay sameysay Real Madrid, isagoo dhinaca kale amaanay Diego Simeone

(Madrid) 19 Luulyo 2019.Tababaraha Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa ka hadlay heshiisyada cusub ay kooxda ka sameysay suuqan xagaaga, iyo qorshahooda xili ciyaareedka cusub.

Sidoo kale wuxuu ka hadlay kulanka Madrid Derby ay kooxda Atletico Madrid ku wada ciyaari doonaan magaalada New York.

Halyeeyga kubadda cagta ee dalka France ayaa wareysi uu bixiyay wuxuu ugu horeyn ku amaanay macalinka Atletico Madrid ee Diego Simeone wuxuuna yiri:

“Waa macalinka ugu fiican, markii uu ahaa ciyaaryahan wuxuu ahaa kan koowaad ee kooxda, haatan isagoo ah macalin si fiican ayuu u shaqeenayaa”.

“Waa macalin heysta shaqsiyad xoogan, wuxuu doonayaa inuu wax fiican sameeyo, weyna adag tahay inaad ka adkaato isagoo ah tababare marka loo fiiriyo ciyaaryahan ahaan”.

Intaas kaddib tababare Zinedine Zidane ayaa wuxuu ka hadlay kulanka Madrid Derby ay la ciyaari doonaan Atletico wuxuuna yiri:

“Wuxuu noqon doonaa kulan aad ugu fiican taageerayaasha, anaga koox ahaan, waa kulan aad u muhimsan, waxaan sidoo kale dooneynaa inaan si wanaagsan kaga soo muuqano caasimada Spain”.

“Xili ciyaareedka soo socda waa mid aad inoogu muhiimsan, waxaana rajeeneynaa inaan markale guuleysano”.

Intaas kaddib 47 jirkan ayaa wuxuu ka hadlay heshiisyada cusub ay kooxda ka sameysay suuqan xagaaga wuxuuna yiri:

“Waa muhim inaan heysano ciyaaryahanada cusub bilowga, waqtiga diyaargarowga waa mid aad muhiim ugu ah ciyaartoyda, waxaa sidoo kale muhiim ah inaan wada joogno tan iyo maalinta ugu horeysa”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close