Nwankwo Kanu oo ka warbixiyay xulka ugu cad-cad ee caawa ku guuleysan kara koobka qaramada qaarada afrika ee 2019

(Qaahira) 19 Luulyo 2019. Halyeeyga reer Nigeria ee Nwankwo Kanu ayaa ka warbixiyay xulka ugu cad cad ee caawa ku guuleysan kara koobka qaramada qaarada afrika ee 2019.

Labada xul qaran ee Senegal iyo Algeria ayaa caawa 10:00-ka habeenimo marka ay tahay saacada Geeska Africa waxay ku dagaalami doonaan kulanka kama dambeysta ah ee koobka qaramada qaarada afrika ee 2019.

Hadaba Nwankwo Kanu ayaa wareysi uu bixiyay kahor kulankan wuxuu sheegay xulka caawa ku guuleysan kara koobka wuxuuna yiri:

“Algeria iyo Senegal waa laba xul aad u xoogan, laakiin maqnaanshiyaha Kalidou Koulibaly, ayaa waxay xoogaa faa’iido u tahay wiilasha Algeria, taasoo ka saacidi karta inay ku guuleystaan koobka”.

Waxaa xusid mudan in markii ugu dambeysay uu xulka qaranka Algeria ku guuleysto koobka qaramada qaarada afrika ay ahayd sanadkii 1990.

Halka Sadio Mané iyo saaxiibadiis ay rajo weyn ka qabaan inay ku guuleystaan koobkan markoodii ugu horeysay ee taariikhdooda.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close