Neymar Jr oo u  doortay xiddig ka tirsan Real Madrid inuu yahay kan ugu fiican uu wajahay

(Yurub) 19 Luulyo 2019. Xiddiga reer Brazil iyo kooxda Paris St Germain  ee Neymar Jr ayaa u doortay daafaca kooxda Real Madrid ee Sergio Ramos inuu ahaa xiddigii ugu fiicnaa uu wajahay.

Neymar Jr ayaa si weyn lala xiriirinayaa inuu dib ugu laabanayo kooxdiisii hore ee Barcelona inta lagu gudi jiro suuqan xagaaga, kaddib markii uu xumaaday xiriirka u dhexeeyay isaga iyo maamulka kooxda PSG.

Barcelona ayaa u soo bandhigtay kooxda Paris St Germain dalab rasmi ah ee gaaraya € 90 million lagu daray laba ciyaaryahan, si ay ula saxiixato Neymar Jr suuqan xagaaga.

Hadaba xiddiga reer Brazil ayaa wareysi uu bixiyay wuxuu ku sheegay:

Image result for Neymar and Ramos

“Xiddigii ugu fiicnaa ee aan wajahay waa Sergio Ramos”.

“Sababtoo ah waa daafac dambe ee aad u wanaagsan, waxaa intaas ka badan wuxuu dhaliyaa goolal, aad ayey u adag tahay inuu kaa horyimaado” ayuu sidoo kale yiri Sergio Ramos.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close