Kaddib imaatinka xiddigo cusub, taageerayaasha Real Madrid oo si cad u sheegay in wali Barcelona ay tahay kooxda fiican

(Madrid) 19 Luulyo 2019. Waxay u muuqataa in taageerayaasha Real Madrid aysan weli ku qanacsaneyn xaalada kooxda, xitaa kaddib markii ay sameeyeen heshiisyo cusub.

Inta ugu badan taageerayaasha kooxda Real Madrid ayaa wali ku qanacsan in Barcelona ay tahay kooxda ugu adag horyaalka La Liga ee dalka Spain marka loo eego Line upka ay heystaan.

Wargeyska “Marca” ee dalka Spain oo si aad ah ugu dhow Real Madrid ayaa soo bandhigay qaabka saddexda kooxood ee ugu weyn horyaalka Spain, kaddib heshiisyada cusub ay sameeyeen.

Marka laga reebo dhanka difaaca, taageerayaasha Real Madrid ayaa aaminsan in kooxaha Barcelona iyo Atletico Madrid ay wax walba kaga sareeyaan Real, hadii ay ahaan lahayd dhanka goolhaayaha, khadka dhexe, weerarka iyo xitaa xiddiga koowaad ee kooxda.

Hadaba cod uruurintii laga sameeyay taageerayaasha kooxda Real Madrid jawaabtii ka soo baxday waxy noqotay sida hoos ku xusan:

Yaa heysta goolhayaha ugu fiican?

Jan Oblak: 51%

Ter Stegen: 39%

Thibaut Courtois: 10%

Yaa heysta difaaca ugu fiican?

Real Madrid: 41%

Barcelona: 33%

Atletico Madrid: 26%

Yaa heysta weerarka ugu fiican?

Barcelona: 51%

Real Madrid: 32%

Atletico Madrid: 17%

Yaa heysta xiddiga ugu fiican?

Lionel Messi: 71%

Eden Hazard: 19%

João Félix: 10%

Waa tee kooxda ugu fiican?

Barcelona: 53%

Real Madrid: 28%

Atletico Madrid: 19%

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close