WARKII HORE WAR SOO DHAAF: Neymar aabihiis iyo agaasimaha ciyaaraha ee kooxda Juventus oo ku kulmi doono magaalada Turin

(Italy) 18 Luulyo 2019. Shabakada “Rai Sport” ee dalka Talyaaniga ayaa shaacisay in Neymar Jr aabihiis uu ku sugan yahay magaalada Turin ee dalka Talyaaniga si uu kulan ula yeesho agaasimaha ciyaaraha ee kooxda Juventus Fabio Paratici.

Wargeyska Isbaanishka ah ee “Mundo Deportivo” ayaa soo wariyay in Neymar Jr uu albaabada u furay inuu xiriir la sameeyo dhamaan kooxaha waaweyn ee Yurub, sida Real Madrid, Bayern Munich iyo Juventus, isagoo doonaya kaliya ka dhaqaaqista garoonka Parc des Princes ee magaalada Paris inta lagu gudi jiro suuqa kala iibsiga xagaaga.

Macalinka kooxda PSG ee Thomas Tuchel ayaa shalay sheegay inuu ka war qabay sida uu Neymar Jr u doonayo inuu ka tago Paris Saint-Germain kahor inta uusan u dhaqaaqin ka qeyb galka Copa America 2019.

Image result for Fabio Paratici and Neymar's Father

Hadaba Saxafiga lagu magacaabo Paolo Paganini, ee ku tukhasusay arrimaha ku saabsan dhaqdhaqaaqa suuqa kala iibsiga kana howlgala Shabakada “Rai Sport”, ayaa sheegay inuu jiro kulan u dhexeyn doona Neymar aabihiis iyo agaasimaha ciyaaraha ee kooxda Juventus Fabio Paratici, laakiin wuxuu noqon karaa kulan aan lahayn wax gorgortan oo iska caadi ah, si loo helo macluumaad qaar.

Yeelkadeeda Wargeysyada Talyaaniga ayaa sheegaya in kooxda Juventus aysan meesha ka saarin inay lasoo saxiixato 27 jirkaan reer Brazil si uu ula midoobo Cristiano Ronaldo, hadii ay aragto fursad dhanka dhaqaalaha ah, laakiin dabcan ma siin doonto Bianconeri mudnaanta koowaad saxiixa Neymar.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close