RASMI: Kabtankii xulka qaranka Nigeria ee John Obi Mikel oo ku dhawaaqay inuu ka fariistay ciyaaraha caalamiga ah

(Qahira) 18 Luulyo 2019. Kabtanka xulka qaranka Nigeria ee John Mikel Obi ayaa xaqiijiyey maanta inuu ka fariistay ciyaaraha kubadda cagta heerka caalami ee qarankiisa.

32-sano jirkaan khadka dhexe ayaa dalkiisa u saftay 89 kulan intii u dhaxaysay 2005 illaa 2019, waxaana uu u dhaliyey lix gool.

Mikel, kaasoo haatan u saxiixay kooxda Trabzonspor ee ka dhisan dalka Turkiga ayaa horay BBC Sport ugu sheegay in koobka qarammada qaaradda Afrika sanadkan 2019 ee uu marti-gelinayo dalka Masar uu yahay kiisii ugu dambeeyey ee uu ka soo muuqdo qarankiisa.

“Da’da 32-ka sano waa waqtigii anigu aan ka fariisan lahaa ciyaaraha xulkeyga qaranka, isla markaana aan u ogolaan lahaa inay da’yartu booska la wareegaan, runtii waa cajiib inaan xaqiijinno shaqada ah inaan ku guuleysannay abaal-marinta kaalinta saddexaad ee AFCON 2019,” ayuu John Obi ku soo qoray warbaahinta xiriirka bulshada ee dhinaca Internet-ka.

“Masar waa waddanka aan ka bilaabay iyo kan aan ku soo gabagabayno xirfaddeyda ciyaareed ee qarankeyga, sanadkii 2006 waxaan u ciyaaray dalkeyga kulankii ugu horreeyey ee tartan rasmi ah.”

“Koobka qarammada qaaradda Afrika 2019 waxa uu noqonayaa tartankeygii ugu dambeeyey ee aan metelo xulkeyga qaranka ee Super Eagles.”

Mikel ayaa Nigeria u ciyaaray labadii koob adduun ee laga soo gudbay, waxaana uu xulkiisa qaranka Super Eagles ka caawiyey inay ku guuleystaan tartanka koobka qarammada qaaradda Afrika sanadkii 2013-kii.

Waxa uu sidoo kale qeyb ka ahaa xiddigaha xulkii ku dhammaystay kaalinta saddexaad ee koobka qarammada Afrika sanadihii 2006 iyo 2010.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close