Muxuu ka yiri Pep Guardiola mustaqbalka Leroy Sané ee kooxda Manchester City?

(England) 18 Luulyo 2019. Manchester City ayaa si fudud kaga bilaabatay kulamada ay isugu diyaarineyso xili ciyaareedka cusub ee 2019/2020, kaddib markii ay 4-1 ay ku garaaceen kooxda West Ham.

Kaddib ciyaarta Pep Guardiola ayaa wax laga weydiiyay Leroy Sané oo ka mid ah ciyaartoydiisa ugu muhimsan ee kooxda Manchester City, kaasoo si xoogan lala xiriirinayo inuu u dhaqaaqayo Bayern Munich xagaagan.

Pep Guardiola ayaana jawaabtii uu ka bixiyay su’aashan waxay noqotay:

“Waxaan u maleynayaa inuu nala joogi doono, waxaana rajeynayaa inay taasi dhaceyso”.

“Kooxda waxay dalab uu ku joogayo u dirtay isaga xili ciyaareedkii hore, laakiin waxaan sheegay marar badan inaan doonayo in qof walba uu halkan ku faraxsanaado”.

“Waxaan dooneynaa inaan ka caawino inuu horumar sameeyo, waan ognahay inuu leeyahay awood weyn, weyna adag tahay in laga helo awoodiisa oo kale adduunkan”.

“Lakiin wuu ogyahay sida qof kasta oo halkaan jooga, in si joogta ah aad ugu ciyaarto kooxda ay tahay wax aad u adag, marka loo fiiriyo tayada aan heysano”.

“Waxaan kala hadlay kooxda arrintan 10 jeer, waxaan doonayaa in qof walba uu ku faraxsan yahay halkan, hadii qof uu doonayo inuu baxo, wuu bixi karaa, laakiin rabitaanka ah inuu joogo, waa midaan had iyo jeer diyaar u ahay aniga ahaan”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close