Maxaa ka jira wararka sheegaya in Phil Jones laga qeybgalin doono heshiiska uu Harry Maguire ku imaanayo Old Trafford?

(England) 18 Luulyo 2019. Manchester United ayaa laga yaabaa iney qorshaha ay ku dooneyso Harry Maguire ka qeybgaliso daafacooda reer England Phil Jones sida ay sheegayaan warbixino ka imaanaya gudaha England.

Red Devils ayaa la aaminsan yahay inuu kasoo xirmay wadahadalkii ay kula jireen kooxda Leicester City, kaas oo ay ku doonayeen Harry Maguire, kaas oo lagu qiimeeyo lacag u dhaxeysa 80 ilaa 90 Malyan oo Pound.

Telegraph ayaa fahamsan in Red Devils ay isku dayi doonto qorshe ay dhigeeda Foxes ugu bandhigeyso lacag ka hooseysa midda ay rajeyneyso iyo Phil Jones oo bilowgii sanadkaan saxiixay heshiis cusub.

27-jirkaan ayaa hadda ka mid ah liiska xiddigaha Red Devils ee ku sugan Australia, shabaqa ayuuna soo taabtay kulankii ay shalay 4-0 uga badiyeen Leeds United.

Jones ma ahan mid ay jecel yahiin jamaahiirta kooxda maadaama uu hoos u dhac weyn sameeyay sanadahii ugu dambeeyay, sidoo kalana waxaa u dheeri ah inuu dhaawaciisa badan yahay.

Chris SmallingMarcos RojoEric BaillyVictor Lindelof iyo Axel Tuanzebe ayuu macalin Ole Gunnar u heystaa dooqa daafaca dhexe.

GOOL FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close