Kooxda Atletico Madrid oo soo bandhigtay saxiixeeda cusub ee Kieran Trippier… (Lambarkee ayuu u xiran doonaa?)

(Madrid) 18 Luulyo 2019. Kooxda kubadda cagta Atletico Madrid ayaa saxaafadda u soo bandhigtay maanta saxiixeeda cusub ee Kieran Trippier.

Atletico ayaa shalay ku dhawaaqday inay kooxda Tottenham kala soo wareegtay difaacan Kieran Trippier.

Dambeedka midig ee xulka qaranka England, Kieran Trippier ayaa dhammaystiray heshiiska 20 milyan oo gini ahaa oo uu uga soo dhaqaaqay kooxda reer London ee Tottenham.

Kieran Trippier ayaa maanta waxaa garoonka Wanda Metropolitano ku soo bandhigtay kooxda ka dhisan caasimadda Spain, waxaana uu kooxdiisa cusub ee Atletico Madrid u xiran doonaa lambarka 23-aad.

28-sano jirkaan, kaasoo Spurs kaga soo biiray Burnley bishii June ee sanadkii 2015-kii ayaa u ciyaaray kooxda reer London in ka badan 100 kulan, waxaana uu kooxda ka dheesha La Liga uu qalinka ugu duugay qandaraas saddex sanadood ah.

Trippier ayaa noqday difaacii saddexaad oo ay kooxda Atletico Madrid la soo saxiixato suuqa kala iibsiga xiddigaha ee xagaagan kaddib markii ay horay ula soo wareegtay difaaca dhexe ee Felipe oo ay ka soo qaateen FC Porto iyo dambeedka garabka bidix ee Renan Lodi oo ay kala soo wareegeen kooxda reer Brazil ee Athletico Paranaense.

Dhinaca kale kooxda Atletico Madrid ayaa xaqiijisay maanta inay la soo wareegtay ciyaaryahan Mario Hermoso, waxaana ay ka soo qaadatay naadiga Espanyol, isagoo qalinka ugu duugay heshiis shan sanadood ah.

Waxa uu Hermoso kooxda Atletico Madrid u xiran doonaa isaguna lambarka 22-aad.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close