Edwin van der Sar oo fariin u diray kooxda Juventus kaddib heshiiska Matthijs de Ligt

(Yurub) 18 Luulyo 2019. Agaasimaha guud ee kooxda Ajax Amsterdam Edwin van der Sar ayaa fariin macsalaameyn ah u diray Matthijs de Ligt oo dhawaan ku biiray kooxda reer Talyaani ee Juventus.

Kooxda Juventus ayaa maanta oo khamiis ah xaqiijisay iney la saxiixdeen da’yarka daafaca kaga ciyaara qaranka Holland Matthijs de Ligt kaas oo ugu soo wareegaya adduun dhan 85.5 Malyan oo Yuuro.

Edwin van der Sar ayaa fariin uu ku soo qoray boggiisa rasmiga ah ee Instagram-ka wuxuu ku sheegay:

“Laga soo bilaabo Ajax ilaa iyo Juventus, waan ogahay wadada, waxaan kuu rajeenayaa Matthijs de Ligt in wax walba oo wanaag ah aad kala kulanto magaalada Turin”.

Intaas kaddib goolhaayihii hore kooxda Manchester United iyo xulka qaranka Holand ee Edwin van der Sar ayaa wuxuu fariin u diray Juventus wuxuuna u sheegay:

Image result for Edwin van der Sar and Matthijs de Ligt

“Juventus waa inay ka taxadirtaa Matthijs de Ligt”.

Daafacan 19 jirka ah ayaa u dhaqaaqay kooxda Juventus kaddib markii uu u saxiixay heshiis 5-ta sano soo aadan uu ku sii joogayo garoonka Allianz.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close