RASMI: Atletico Madrid oo la saxiixatay mid ka mid ah xiddigaha kooxda Tottenham

(Madrid) 17 Luulyo 2019. Kooxda kubadda cagta Atletico Madrid ayaa ku dhawaaqday inay la soo wareegtay xiddigii naadiga Tottenham ee Kieran Trippier.

Dambeedka midig ee xulka qaranka England, Kieran Trippier ayaa dhammaystiray heshiiska uu ugu dhaqaaqay kooxda reer Spain ee Atletico Madrid oo 20 milyan oo gini kaga soo qaadatay Tottenham.

28-sano jirkaan, kaasoo Spurs kaga soo biiray Burnley bishii June ee sanadkii 2015-kii ayaa u ciyaaray kooxda reer London in ka badan 100 kulan, waxaana uu kooxda ka dheesha La Liga uu qalinka ugu duugay qandaraas saddex sanadood ah.

Trippier ayaa noqday difaacii saddexaad oo ay kooxda Atletico Madrid la soo saxiixato suuqa kala iibsiga xiddigaha ee xagaagan.

Macallin Diego Simeone ayaa horay ula soo wareegay xagaagan difaaca dhexe ee Felipe oo ay ka soo qaateen FC Porto iyo dambeedka garabka bidix ee Renan Lodi kaasoo ay kala soo wareegeen kooxda reer Brazil ee Athletico Paranaense.

Waxaana xusid mudan in difaacoodii reer Uruguay ee Diego Godin uu ka tagay Atletico oo uu u dhaqaaqay kooxda reer Talyaani ee Inter Milan.

Dhinaca kale Weeraryahanka reer Portugal ee Joao Felix ayay Atletico Madrid kula soo wareegtay 113 milyan oo gini iyo sidoo kale laacibka khadka dhexe ee Marcos Llorente oo ay ka soo qaateen kooxda ay ku xafiiltamaan caasimadda Spain ee Real Madrid, kaasoo ay kula saxiixdeen 36 milyan oo gini.

Marka lagu daro Trippier waxa ay ka dhigan tahay in kooxda Atletico Madrid ay wadar ahaan illaa iyo hadda suuqa kala iibsiga xiddigaha ee xagaagan ku kharash-geystay in ka badan 170 milyan oo gini.

Kooxda ka dheesha horyaalka La Liga ayaa 107.7 milyan oo gini ka heshay iibka Weeraryahanka reer France ee Antoine Griezmann oo ay ka iibiyeen kooxda difaacanaysa horyaalka Spain ee Barcelona.

Trippier kaasoo kulankiisii ugu dambeeyey ee Tottenham ciyaaray kulankii ay 2-0 guuldarro ah kala kulmeen Liverpool tartanka Champions League bishii June ayaan kooxda Spurs ula safrin Asia, halkaasoo ay ka bilaabayaan ciyaaraha isu-diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close