RASMI: Kooxda Arsenal oo soo bandhigtay maaliyadda ay ku ciyaari doonto marka ay martida tahay xilli ciyaareedka cusub ee 2019/20… + SAWIRRO

(London) 16 Luulyo 2019. Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa maanta soo bandhigtay Maaliyadda ay ku ciyaari doono marka ay martida tahay xilli ciyaareedka cusub ee 2019-20.

Maaliyaddaan oo ay kooxda reer London ku dheeli doonto marka ay ku ciyaarayso garoommada kooxaha kale xilli ciyaareedka cusub ama meel ka baxsan garoonkeeda ayaa midabkeedu yahay guud ahaan Jaalle ama hurdi.

Waxaa maaliyaddaan shafka kaga qoran magaca shirkadda  Fly Emirates oo ay xayeysiiso, astaanta kooxda iyo midda shirkadda Adidas oo ah tan farsameysay maaliyaddan.

James Harden oo xiddig reer Mareykan ah oo ciyaara basketball-ka ayaa ka qeyb qaatay soo bandhigista maaliyaddaan cusub ee kooxda Arsenal.

Gunners ayaa dib ugu laabatay maaliyaddaan midaba Muuska/Mooska leh ee ay ku dheeli jirtay sagaashameeyadii.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close