Man United oo diyaarineysa dalab rasmi ah oo ay ka gudbiso Bruno Fernandes, maxeyse tahay rajada laga qabo in la aqbalo?

(Turin) 16 Luulyo 2019. Manchester United ayaa lagu soo warramayaa iney diyaarineyso dalab rasmi ah oo ay ka gudbiso xiddiga khadka dhexe kaga ciyaara Sporting Lisbon ee Bruno Fernandes, walow aan la ogeyn sida ay kooxda reer Portugal u aqbali doonto.

Bruno ayaa fasal ciyaareed aan caadi aheyn la qaatay kooxdiisa isagoo hogaamiye ah, wuxuuna si layaab leh u dhaliyay 32-gool isagoo caawiyay 18-gool kale kulamadii uu saftay dhamaan tartamada oo dhan oo gaaraya 53-kulan.

Red Devils ayaa si weyn loola xiriirinayay xiddigaan mudooyinkii lasoo dhaafay, waxaana lasoo sheegaya iney hadda diyaarineyso dalab dhan 50 Malyan oo Pound, iyadoo Ole Gunnar oo maamulka u sheegay sida uu ugu baahan yahay xiddigaan.

Sida lasoo wariyay, u dhaqaaqista Manchester United ee xiddigaan kuma xirna mustaqbalka Paul Pogba, kaas oo wali si daran loola xiriirinayo inuu isaga tagayo Old Trafford.

Red Devils waxey lasoo saxiixatay Daniel James iyo Aaron Wan-Bissaka, kuwaas oo ay kasoo kala qaateen kooxaha Swansea City iyo Crystal Palace.

Kooxda 20-ka jeer hanatay horyaalka Ingiriiska ayaa hadda ku sugan Australia, waxeyna diyaar garow adag ugu jiraan fasalka dhawaan bilaaban doona.

GOOL FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close