Christian Pulisic oo tababarkiisii ugu horreeyey la qaatay asaxaabtiisa cusub ee Chelsea… + SAWIRRO

(London) 16 Luulyo 2019. Christian Pulisic ayaa maanta tababarkiisii ugu horreeyey la qaatay saaxiibadiisa cusub ee kooxda Chelsea, kaddib markii uu la midoobay.

Macallin Frank Lampard iyo kooxdiisa Blues ayaa ku guda jira kulamada isu-diyaarinta xilli ciyaareedka cusub, waxaana haatan kula biiray saaxiixa cusub ee kooxdaas Christian Pulisic.

Xiddiga reer Mareykan ee Pulisic ayaa heshiis ku kacaya adduun dhan 58 milayn oo gini ugu soo biiray naadiga Chelsea, isagoo ka soo dhaqaaqay kooxda Borussia Dortmund, laakiin waxa uu go’aansaday inuu xilli ciyaareedkii dhammaaday amaah kula joogo kooxda reer Jarmal.

Xilli ciyaareedka cusub ee 2019-20 ayuu Pulisic doonayaa inuu la bilowdo kooxdiisa cusub ee Chelsea tababarkiisii ugu horreeyey ayuuna maanta la sameeyey saaxiibadiisa Blues.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close