Shax cajiib ah oo laga sameeyay xiddigaha beeca xurta ah lagu heli karo suuqan kala iibsiga xagaaga ee 2019

(Yurub) 15 Luulyo 2019. Wargeyska Isbaanishka ah ee “Marca” ayaa tooshka ku ifiyay liis ay ka kooban yihiin ciyaartooyda lagu heli karo beeca xurta ah inta lagu gudi jiro suuqan kala iibsiga ee xagaaga 2019, iyagoo ay ku jiraan liiskan 11 ciyaaryahan oo xarumaha oo dhan ah.

Waxaa jira ciyaartoy dhowr ah oo lagu heli karo beeca xurta ah suuqan xagaaga, waxaana hogaaminaya xiddigii hore kooxaha Barcelona, Juventus iyo Paris Saint-Germain, ee reer Brazil Dani Alves, kaasoo dhawaan xulkiisa Seleção kula guuleystay tartanka Copa America ee 2019.

Sida laga soo xigtay Wargeyska Isbaanishka ah ee “Marca” ciyaartoyda lagu heli karo beeca xurta ah suuqan xagaaga 2019 ayaa waxay kala yihiin:

Goolhaaye: Adrián.

Daafacyada: Dani Alves, Gary Cahill, Thomas Vermaelen, Filipe Luís.

Khadka dhexe: Claudio Marchisio, Daniele De Rossi, Yohan Cabaye.

Weerarka: Hatem Ben Arfa, Mario Balotelli, Franck Ribéry.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close