Kaddib ku biiristii Griezmann ee Barcelona, waa kuwee 10-ka heshiis ee ilaa iyo haatan ugu qaalisan suuqa kala iibsiga ee xagaaga 2019?

(Yurub) 15 Luulyo 2019. Waxaa si xiise leh u soconaya ilaa iyo haatan suuqa kala iibsiga ee xagaaga, iyadoo ciyaaryahano badan ay lacago qaali ah kaga dhaqaaqeen kooxahooda, waxaana xiddigii ugu dambeeyay uu noqday Antoine Griezmann oo ka tagay Atletico Madrid, isagoo ugu wareegay Barcelona aduun lacageed dhan 120 milyan euro ah.

Saddex heshiisyo ayaa waxay ka gudbeen 100-milyan, waana markii ugu horeysay ay taariikhda ka dhacdo hal xili ee suuq kala iibsiga ah.

Dabcan heshiiska ugu qaalisan ilaa iyo haatan waa kii uu João Félix kaga soo dhaqaaqay kooxda Benfica uguna biiray Atletico Madrid qiimo dhan 126 milyan oo euros.

Eden Hazard ayaa liiskan ka galay booska 3-aad, iyadoo ay Real Madrid 100 milyan oo euros kaga soo qaadatay kooxda ka dhisan Galbeedka magaalada London ee Chelsea.

Weli waxaa macquul ah inaan aragno ugu yaraan hal heshiis ee ka badan 100 milyan oo euro, iyadoo wararka soo baxaya ay sheegayaan in Paul Pogba uu u dhaqaaqi doono Real Madrid, waxaa sidoo kale shaki ku jira mustaqbalka Neymar Jr ee kooxda Paris Saint-Germain, kooxaha xiiseenaya labadan ciyaaryahan ayaa waxay ku qasbi kartaa inay bixiyaan aduun dhan 150 milyan euro ugu yaraan.

Kooxaha ka dhisan gudaha dalka Spain ayaa si buuxda ugu gacan sareeya liiska 10-ka heshiis ee ilaa iyo haatan ugu qaalisan suuqan kala iibsiga ee xagaaga 2019.

Hadaba halkan hoose kaga boggo 10-ka heshiis ee ilaa iyo haatan ugu qaalisan suuqa kala iibsiga ee xagaaga 2019:

João Félix (Benfica = Atletico Madrid): 126 million euros.

Antoine Griezmann (Atletico Madrid = Barcelona): 120 million euros.

Eden Hazard (Chelsea = Real Madrid): 100 million euros.

Lucas Hernandez (Atletico Madrid = Bayern Munich): 80 million euros.

Frenkie de Jong (Ajax = Barcelona): 75 million euros.

Rodri (Atletico Madrid = Manchester City): 70 million euros.

Luka Jović (Eintracht Frankfurt = Real Madrid): 60 million euros.

Tanguy Ndombele (Lyon = Tottenham): 60 million euros.

Aaron Wan-Bissaka (Crystal Palace = Manchester United): 55 million.

Éder Militão (Porto = Real Madrid): 50 million euros.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close