Halyeey Man United ah oo ugu baaqay Pogba inuu ixtiraamo kooxda, xitaa haddii uu doonayo inuu ku biiro Real Madrid

(Manchester) 15 Luulyo 2019. Halyeeyga Manchester United Bryan Robson ayaa ugu baaqay xiddiga reer France ee Paul Pogba inuu ixtiraamo kooxda, islamarkaana uusan si joogta ah uga doodin mustaqbalkiisa xitaa hadii uu doonayo inuu u dhaqaaqo Real Madrid.

Pogpa ayaa sheegay in ka badan hal jeer inuu ku fikirayo tijaabinta loolan cusub, halka sidoo kale wakiilkiisa Mino Raiola uu xaqiijiyay in xiddiga uu dalaalka ka yahay doonayo ka tagista garoonka Old Trafford.

Real Madrid ayaa ah kooxda ugu cadcad ee xiiseeneysa inay hesho adeega Paul Pogba, laakiin kooxda Manchester United ayaa iska diiday in Pogba ay ku fasaxdo qiimo ka yar 200 milyan oo euros.

Hadaba laacibkii hore kooxda Red Devils ee Bryan Robson ayaa aaminsan in marka loo fiiriyo hab dhaqanka Pogba uusan ahayn xirfadle dhameystiran, wuxuuna ugu baaqay inuu diirada saaro tababarada kooxda, isla markaana uu ixtiraamo qandaraaska uu kula jiro Naadiga, ilaa go’aan kama dambeys ah laga gaaro mustaqbalkiisa.

Hadaba Bryan Robson ayaa u sheegay shabakada caanka ah “Sky Sports” ee dalka England:

Image result for Bryan Robson and Pogba

“Waxaa jira warar badan oo ku saabsan mustaqbalka Paul Pogba, wuxuu ku xiran yahay koox weyn, waana inuu siiyaa taageerayaasha kooxda iyo Naadigaba wax walba”.

“Waa inuu qeyb ka noqdaa tababarka ay kooxda isugu diyaarineyso xili ciyaareedka cusub sida ugu fiican ee uu awoodo, wuxuu u shaqeenayaa si fiican sida aan ka arko cashirada tababarka, hadii kooxda ay dooneyso inay iska iibiso ama hadii kale, waa inuu la qabsado”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close