Goorma ayuu Matthijs de Ligt imaan doonaa magaalada Turin?Xiligee ayeyse Juventus dhameystireysaa heshiiskiisa?

(Turin)  Luulyo 2019. Daafaca da’da yar ee kooxda Ajax Matthijs de Ligt ayaa la rajeynayaa inuu maanta soo gaaro magaalada Turin, halka Bianconerri ay qorsheyneyso iney talaadada (berito) caafimaadka mariso xiddigaan, waana marka ay 65 Malyan oo Yuuro iyo gunnooyin kula heshiiso kooxdiisa.

Daafacaan ayaa heshiiska shaqsiga ah la gaaray kooxda difaacaneysa horyaalka talyaaniga isbuucyo ka hor, waxaana haray kaliya in labada kooxood ay si dhameystiran uga heshiiyaan qiimaha xiddigaan heerka caalami.

Sky Sport Italia, Tuttosport & warbaahinta kale ee talyaaniga ayaa isku raacay in Juventus iyo Ajax ay ku heshiiyeen adduun dhan 65 Malyan oo Yuuro iyo gunno lagu xiri doono bandhigga uu ka sameeyo Allianz Stadium muddada uu heshiiska kula jiro.

De Ligt ayaa isaga haray kooxda Ajax ee tababarka ku qaadaneysa Austria iyadoo bayaan lagu xaqiijiyay inuu qarka u saaran yahay inuu kooxda isaga tago.

Waxaa la aaminsan yahay inuu xiddigaan reer Holland kasoo dagi doono garoonka diyaaradaha Caselle maanta iyadoo lagu wado diyaarad khaas ah, sidaas darteed wuxuu heli doonaa fursad uu ku seexdo magaalada ka hor inta uusan berito ku marin caafimaadka J-Medical Centre.

Waxaa la rajeynayaa in De Ligt uu maro wadadii la mariyay Cristiano Ronaldo sanad ka hor, hal garoon ayaana la rajeynayaa iney kasoo dagaan, sidoo kalana uu xiddigaand da’da yar helo soo dhaweyn la mid ah xiddiga reer Portugal.

GOOL FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close