Waa kuma daafaca ay 25 milyan oo gini ku doonayso kooxda Arsenal??

(London) 14 Luulyo 2019. Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa la soo warinayaa inay 25 milyan oo gini ku doonayso saxiixa ciyaaryahan Tierney.

Gunners ayaa dib ugu laabtay doonista daafaca kooxda Celtic ee Kieran Tierney sida ay tilmaamayaan warbixinnada ay saaka daabaceen Wargeysyada ciyaaraha ka faallooda.

Shabakadda Sky Sports ayaa warinaysa in Arsenal ay 25 milyan oo gini oo u dhiganta 31 milyan oo doolar ku doonayso difaaca garabka bidix ee kooxda Celtic ninka la yiraahdo Kieran Tierney.

Saddex todobaad ka hor ayey ahayd markii Gunners laga soo diiday dalab 15 milyan oo gini ahaa oo ay u gudbisay kooxda ku guuleysatay horyaalka Scottish-ka, kaasoo ay doonaysay dambeedkan bidix.

Tierney, kaasoo heshiiskiisa kooxda Celtic uu ku eg yahay sanadka 2023-ka ayaa sidoo kale waxaa xiiseynaysa naadiga reer Talyaani ee Napoli.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close