RASMI: Kooxda Barcelona oo shaacisay lambarka uu u xiran doono Antoine Griezmann… (Miyaa looga siibay Coutinho?)

(Qahira) 14 Luulyo 2019. Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa shaacisay lambarka uu u xiran doono saxiixeeda cusub ee Antoine Griezmann, waxaana ay ku dhawaaqday inuu u xiran doono maaliyadda lambarka 17-aad.

Xiddiga xulka qaranka Faransiiska kula guuleystay Koobkii Adduunka 2018 ayaa adduun dhan 120 milyan oo euro ay Barca kaga soo qaadatay Jimcihii kooxda ay ku xafiiltamaan Spain ee Atletico Madrid.

Markii uu yimid Barcelona waxaa durba warbaahinta isbooriga qabsaday oo la soo jeediyey inuu maaliyadda lambarka 7-aad xiran doono oo looga siibi doono laacibka reer Brazil ee Philippe Coutinho, maadaama uu Antoine Griezmann lambarkaa waligiis u qaadan jiray xulkiisa qaranka Faransiiska iyo kooxda Atletico Madrid.

Coutinho oo mustaqbalkiisa kooxda Barca kala caddeeyn ayaana keentay in la soo jeediyo in lambarka 7-aad looga qaadayo Griezmann, laakiin kooxda ka arrimisa garoonka Camp Nou ayaa soo bandhigtay Madaxweynaha kooxda oo xiddigan reer France guddoonsiinaya maaliyadda lambarka 17-aad oo uu u xiran doono kooxdiisa Barca xilli ciyaareedka cusub ee 2019-20.

Antoine Griezmann ayaa qandaraas shan sanadood ah qalinka ugu duugay kooxda xafidanaysa horyaalka La Ligaha Spain, waxaana uu asaxaabtiisa cusub ee kooxda Barca la bilaabi doonaa u diyaar-garowga xilli ciyaareedka soo aaddan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close