Goorma ayey Barcelona soo bandhigeysaa saxiixeeda cusub Antoine Griezmann? & sababta aysan taageerayaasha u imaan doonin Camp Nou?

(Catalonia)  13 Luulyo 2019. Barcelona ayaa xaqiijisay iney soo bandhigeysa saxiixeeda cusub Antoine Griezmann fiidnimada Axadda kadib markii ay ku dhawaaqday iney dhameystirtay saxiixiisa, xiddigaan ayaa lacag fara badan kaga yimid Atletico Madrid.

Xiddiga reer France ayaa soo gaari doona magaalada Barcelona maanta gelinka dambe (Sabti), waxaana la geyn doonaa sida dhaqanka ah bakhaarka kooxda saacadda markey tahay 9:00 fiidnimo si halkaas sawiro looga qaado.

Waqtigaas kadib wuxuu mari doonaa caafimaad maalinimada Axadda (berito) subaxa hore ka hor inta aan lagu soo bandhigin fiidnimada garoonka Camp Nou.

Heshiiska ayuu qalinka ku duugi doona isagoo la fariisan doona maamulka kooxda 6:15 maqribnimo xiliga Spain, waana ka hor inta aan garoonka Camp Nou gudahiisa sawiro looga qaadin, nasiib xumo taageerayaasha kooxda ma imaan karaan maadaama hawlo laga wado garoonka.

Shir jaraa’id ayuu qaban doonaa 7:30 Fiidnimo (Xiliga Spain), wuxuuna wajahi doonaa su’aalo badan oo kaga imaan doona warbaahinta.

Maalinta isniinta ayuu soo xaadiri doonaa xarunta tababarka kooxda si uu ula kulmo ciyaartoyda cusub ee Camp Nou ku sugan, wuxuuna bilaabi doonaa shaqadiisa xirfadlenimo ee kooxda gobolka Catalonia.

GOOL FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close