RASMI: Isku aadka wareega afar dhamaadka Koobka qarammada Afrika 2019 oo daaha laga rogay

(Qahira) 12 Luulyo 2019. Waxaa lasoo gabagabeeyay wareega siddeed dhamaadka ee koobka qarammada qaaradda Afrika 2019, kaasoo si habsami leh kaga soconaya magaalada Qahira ee dalka Masar.

Hadaba waxaa si rasmi ah loo shaaciyay kulamada wareega afar dhamaadka ee koobka qarammada qaaradda Afrika 2019, waxaana wareegan lagu daawan doonaa kulamo aad u adag.

Xulka qaranka Tunisia ayaa kaga soo gudbiyay 3-0 ku dhiggooda Madagascar.halka Algeria ayaa ay soo garaaceen Ivory Coast kaddib markii ay kaga soo adkaadeen rigoorayaal 4-3 ah.

Dhinaca kale Xulka qaranka Nigeria ayaa ku soo garaacay South Africa 2-1, Iyadoo Xulka qaranka Senegal uu ahaa ahaa xulkii ugu horreeyey ee iska xaadiriya afar dhammaadka Koobka qarammada Afrika 2019 kaddib markii ay ku garaaceen Benin 1-0.

Hadaba kulamada wareega afar dhamaadka ee koobka qarammada qaaradda Afrika 2019 ayaa kala ah:

Senegal Vs Tunisia – Axad Taariikhda ay tahay 14 July – Saacada: 7:00 Fiidnimo.

Algeria Vs Nigeria – Axad Taariikhda ay tahay 14 July – Saacada: 10:00 Habeenimo.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close