Xulka Tunisia oo u gudbay afar dhammaadka Koobka qarammada Afrika 2019 kaddib markii ay garaaceen Madagascar

(Qahira) 11 Luulyo 2019. Xulka qaranka Tunisia ayaa iska xaadiriyey afar dhammaadka koobka qarammada Afrika 2019 kaddib markii ay 3-0 ku garaaceen dhiggooda Madagascar.

Kulankan oo ahaa mid adag ayaa lagu kala nastay barbaro goolal la’aan 0-0, laakiin qeybtii labaad ayaa la boobsiiyey Jasiiradda Madagascar.

Xulka Tunisia ayaa labo gool oo is xigay waxaa u kala dhaliyey 52’daqiiqo Ferjani Sassi iyo 60’daqiiqo Youssef Msakni, kulanka ayaana sidaas ku noqday 2-0 looga gacan sarreeyey Madagascar.

Dhammaadkii ciyaartana xulka Tunisia ayaa iska sii watay bandhiggiisa wacan, waxaana goolka saddexaad daqiiqadihii ugu dambeeyey kulanka u dhaliyey Naim Sliti, kulanka ayaana ku soo dhammaaday 3-0.

Tunisia ayaa sidaas ku gaaray afar dhammaadka Koobka qarammada qaaradda Afrika 2019, halka Madagascar ay tartanka isaga hareen caawa.

Dhinaca kale xulka Tunisia ayaa afar dhammaadka tartankan koobka qarammada qaaradda Afrika waxa ay la ciyaari doonaan dhiggooda Senegal 14 bishaan July.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close