Rivaldo oo ka hadlay xiddig uu u arko inuu u qalmo ku guuleysiga abaal marinta Ballon d’Or 2019

(Spain) 11 Luulyo 2019. Halyeeyga reer Brazil iyo kooxda Barcelona ee Rivaldo ayaa shaaca ka qaaday xiddiga uu jeclaan lahaa in Sanadkan uu ku guuleysto abaal marinta Ballon d’Or,

Rivaldo ayaa tilmaamay in kabtanka xulka qaranka Argantina iyo kooxda Barcelona ee Lionel Messi uu u qalmo inuu ku guuleysto abaal marinta Ballon d’Or 2019.

Lionel Messi ayaa ku guuldareystay inuu kula guuleysto kooxdiisa Barcelona tartanka Champions League, kaddib guuldaradii 4-0 ahayd ay kala kulmeen Liverpool lugta labaad wareega afar dhamaadka ee ka dhacay garoonka Anfield.

Image result for Rivaldo and Messi

Sidoo kale Messi ayaa ku fashilmay in xulkiisa qaranka Argantina uu la qaado Copa America 2019, waxaana tartanka ka ciribtiray xulka Brazil, kaddib markii loogu awood sheegtay 2-0.

Hadaba Rivaldo ayaa sheegay in Lionel Messi uu u qalmo ku guuleysiga Ballon d’Or 2019, xitaa hadii uu 32 jirkan ku fashilmay ku guuleysiga tartanka Champions League.

“Sida ay ila tahay, Messi waa in sanadkan uu ku guuleystaa abaal marinta Ballon d’Or, marka loo fiiriyo wax walba uu soo sameeyay”.

“Ma uusan ku guuleysan Champions League, laakiin waa abaal marin shakhsi ah, waxa uu dhaliyay goolal muhim ah, waxaana u maleynayaa inuu u qalmo”.

Gool FM.

 

 

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close