Real Madrid oo ka hadashay wararka la xiriirinaya inay xiiseeneyso soo xero galinta Neymar Jr

(Barcelona) 11 Luulyo 2019. Wargeyska “AS” ee dalka Spain ayaa xaqiijiyay in maamulka Real Madrid uu hogaaminayo madaxweynaha kooxda Florentino Perez inaysan doonin inay la saxiixdaan Neymar Jr.

Wargeysyada Isbaanishka ah ayaa Arbacadii waxay ka hadleen in Real Madrid ay markale dib u soo celisay xiisaheeda kaga aadan Neymar si ay kula dagaalanto kooxda Barcelona.

Laakii Wargeyska “AS” ee dalka Spain ayaa sheegay in Real Madrid aysan xitaa ku fikirin saxiixa Neymar Jr, maadaama uusan qeyb ka ahayn qorshaheeda.

Wararka ayaa waxay intaas ku sii darayaan in maadaama ay maamulka kooxda PSG ay diyaar u yihiin inay iska fasaxaan Neymar Jr, hadana Real Madrid ayaan ku fikireynin in xili dhow ama xili fogba ay lasoo saxiixato xiddigan reer Brazil.

Dhinaca kale Paris-Saint-Germain ayaa doorbideysa in Neymar ay ka iibiso Real Madrid halka ay ka iibin lahayd Barcelona, balse Los Blancos ayaan ku fikirin inay sameyso saxiixa Neymar sababa la xiriira, inay xiiseenayaan kaliya adeega da’ayarka reer France ee Kylian Mbappé.

Wargeyska “AS” ayaa sheegay in bar-tilmaameedk koowaad ee kooxda Real Madrid uu noqon doono saxiixa Kylian Mbappé, waxayna dooneysaa inay gacanta ku dhigto adeegiisa xagaaga soo aadan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close