Real Madrid oo hakad gelisay dardar gelintii lasoo saxiixashada Pogba. Muxuu yahay qorshohooda xiga?

(Madrid) 11 Luulyo 2019. Waxaa Real Madrid ku adkaatay inay wajahaan qiimaha ay Manchester United ku dooneyso iibinta xiddiggeeda Paul Pogba, kaasoo ah bartilmaameedka koowaad ee Los Blancos xagaagan.

Sidaa awgeed, kooxda La Liga ka ciyaarta waxaa waajib ku ah inay iibiyaan xiddigahooda muhiimka ah qaarkood, si ay ugu qarash gareeyaan iibka laacibka France kula guuleystay Koobkii Adduunka ee 2018.

Si ay uga badbaadaan xeerka dhaqaale wanaagga (Financial Fair Play), waxa ay suuqa geynayaan xiddigahooda si ay lacag kaga soo xarooto, ugu dambeynna ay kusoo qaataan Pogba.

Goal.com ayaa laga soo xiganayaa in Gareth Bale, James Rodriguez iyo Isco ay yihiin xiddigaha ay Real Madrid u iibineyso si ay ula soo saxiixato Pogba.

26-jirka qadka dhexe ka ciyaara ayaa ah dookha Tababare Zinedine Zidane sidoo kalena qudhiisa ayaaba doonaya inuu ku biiro kooxda Estadio Santiago Bernabeu ka dhisan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close