Arsenal oo war rasmi ah kasoo saartay in kabteenkeeda Laurent Koscielny uu diiday safarka Mareykanka

(London) 11 Luulyo 2019. Arsenal ayaa war rasmi ah ay soo saartay website-keeda waxay kaga hadashay in Laurent Koscielny uu iska diiday inuu qeyb ka noqdo safarka dalka Mareykanka.

33 jirkan ayaa iska diiday inuu ula safro kooxdiisa Arsenal dalka Mareykanka si ay ugu diyaar garoobaan xili ciyaareedka cusub ee 2019/2020, taasoo ka careysiisay madaxda kooxda Gunners.

Saxaafada Ingiriiska ayaa xaqiijisay in ciyaaryahankan halyeeyga ah uu doonayo inuu ku laabto horyaalka Faransiiska inta lagu gudi jiro suuqan xagaaga, isagoo lala xiriirinayo inuu ku biirayo kooxo dhowr ah sida Lyon, Bordeaux iyo Rennes.

Hadaba warka rasmi ah ee kasoo baxay kooxda Arsenal ayaa waxaa lagu sheegay:

“Laurent Koscielny wuxuu iska diiday inuu qeyb ka noqdo safarka dalka Mareykanka kooxda ee xiliga fasaxa, kahor bilawga xili ciyaareedka cusub”.

“Aad ayaan uga niyadjabnay falka Laurent Koscielny ee ka soo horjeeda tilmaamo cadcad, waxaan rajeyneynaa in arrintan la xallin doono, mana soo bandhigi doono faallooyin dheeraad ah waqtigan”.

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close