Wareegga siddeed dhammaadka Koobka Qarammada Qaaradda Afrika 2019 oo caawa daaha laga rogi doono iyo Saacadaha la ciyaari doono

(Qahira) 10 Luulyo 2019. Waxaa caawa daaha laga rogi doonaa ciyaarista wareegga siddeed dhammaadka koobka Qarammada Qaaradda Afrika ee 2019, inagoo idiin soo gudbin doonna kulamada la ciyaari doono iyo saacadaha ay soo geli doonaan.

Kulanka ugu horreeya siddeed dhammaadka koobka Qarammada Qaaradda Afrika 2019 waxaa wada ciyaari doona xulalka Senegal iyo Benin, marka ay saacadda geeska Afrika tahay 7:00 fiidnimo caawa.

Nigeria iyo South Africa ayaa dhankooda wada ciyaari doona kulanka xiga marka ay caawa saacadda geeska afrika tahay 10:00 habeennimo.

Haddaba halkaan hoose ka eeg xulalka is-wajahaya caawa siddeed dhammaadka koobka Qarammada Qaaradda Afrika 2019 & Saacadaha ay baasmi doonaan, iyadoo xulkii adkaada uu u soo bixi doona afar dhammaadka tartanka:-

7:00 Fiidnimo Senegal vs Benin

10:00 Habeennimo Nigeria vs South Africa

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close