SAWIRRO: Kooxda Real Madrid oo maanta soo bandhigtay saxiixeeda cusub ee Eder Militao… (Miyaa la shaaciyey lambarka uu xiran doono?)

(Madrid) 10 Luulyo 2019. Kooxda kubadda cagta Real Madrid ee ka dhisan dalka Spain ayaa maanta soo bandhigtay saxiixeeda cusub ee Eder Militao.

Waxa uu Eder Militao ku yimid garoonka Bernabeu adduun dhan 43 milyan oo gini, waxaana uu ka soo dhaqaaqay kooxda reer Portugal ee FC Porto.

Xiddigan reer Brazil ayaa ugu dambeyn maanta la soo bandhigay isoo ah ciyaryahan Los Blancos ah, markii uu ka gudbay tijaabada caafimaad.

Difaacan ayaan weli gacanta loo gelin lambarka cusub ee uu u xiran doono kooxdiisa cusub ee Real Madrid, waxaana la soo bandhigay maanta isagoo kaliya kor u haya maaliyadda Real Madrid oo ay dusha uga qoran yahay magaciisa.

SAWIRRO:

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close