RASMI: Kooxda AC Milan oo soo bandhigtay maaliyaddeeda saddexaad ee ay ku ciyaari doonto fasal ciyaareedka cusub ee 2019/20

(Milano) 10 Luulyo 2019. Kooxda kubadda cagta AC Milan ee dalka Talyaaniga ayaa maanta soo bandhigtay maaliyaddeeda saddexaad ee ay ku ciyaari doonto xilli ciyaareedka cusub ee 2019/20.

Maaliyaddaan cusub ee Kooxda AC Milan waxaa farsameysay shirkadda qalabka isboortiga ee Puma.

Inta badan xiddigaha kooxda reer Talyaani ee Milan ayaa ka qeyb qaatay maanta soo bandhigista maaliyaddaan cusub ee ah tan saddexaad ee xilli ciyaareedka cusub.

Horay ayay kooxda AC Milan u soo bandhigtay maaliyaddaha ay minin iyo marti ku ciyaari doonto xilli ciyaareedka 2019/20.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close