RASMI: Divock Origi oo heshiis wakhti dheer qallinka ugu duugay kooxdiisa Liverpool

(Liverpool) 10 Luulyo 2019. Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa xaqiijisay inuu heshiiska u kordhiyey Divock Origi.

Weeraryahan Divock Origi ayaa kooxdiisa Liverpool u saxiixay heshiis wakhti dheer oo aan la shaacin inta sanadood oo uu yahay.

Xiddiga xulka qaranka Belgium oo 24-sano jir ah ayay Reds kalasoo saxiixatay sanadkii 2014 kooxda Lille markaasoo ay kula soo wareegeen heshiis shan sanadood ah, waxaa uu labo xilli ciyaareed ku soo qaatay amaah.

Laakiin markii uu xilli ciyaareedkii la soo dhaafay bandhig cajiib ah u sameeyey Liverpool kooxda ku ciyaarta garoonka Anfield ayaa go’aansatay inay heshiis wakhti dheer ah ku abaal-mariso.

Heshiiskan ayuu Divock Origi ku muteystay bandhiggii ilqabadka lahaa ee uu ka sameeyey tartanka Champions League kaddib markii uu labo gool ka dhaliyey Barcelona kulankii afar dhammaadka ee soo laabashada cajiibka ahayd ay ka gaareen, ka hor kulankii Final-ka oo ay Tottenham kaga adkaadeen 2-0.

Kaddib markii uu qalinka ku duugay qandaraaskaan cusub ee waqtiga dheer Divock Origi oo dareenkiisa ka hadlay ayaa yiri: “Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan awooday inaan saxiixo heshiiskan.”

“Waxay i siinaysaa xoojin bilowga xilliciyaareedka cusub, sidaa daraadeed aad ayaan u faraxsanahay”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close