Kooxda Arsenal oo la ballansan Real Madrid, Barcelona iyo Bayern Munich kulammada Saaxiibtinnimo ee isu-diyaarinta xilli ciyaareedka cusub

(London) 10 Luulyo 2019. Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa u diyaar-garowga xilli ciyaareedka cusub ee horyaalka Premier League 2019/20.

Gunners ayaa socdaal kala duwan bixin doonta iyadoo meelo ka baxsan England ku soo ciyaari doonta kulamo saaxiibtinnimo.

Kooxda Arsenal waxa ay lugta hore ee socdaalkeeda ay u safreysaa dalka Mareykanka, waxaana kulankooda koowaad ee isdiyaarinta xilli ciyaareedka cusub ay la dheeli doonaan 16 bishaan Naadiga Colorado Rapids.

Kooxda ka dhisan galbeedka Magaalada London ee Arsenal ayaa kulamadeeda saaxiibtinnimo ee isdiyaarinta xilli ciyaareedka cusub waxaa ku jira kuwo xiiso leh kaddib markii ay ballansatay Barcelona, Real Madrid iyo Bayern Munich si ay u tijaabiso awooddeeda.

Haddaba halkaan hoose ka eeg kulamada saaxiibtinnimo ee ay kooxda Arsenal ciyaari doonto kuwaasoo ay isugu diyaarinayso xilli ciyaareedka cusub iyo taariikhda la ciyaari doono:-

July 16: Colorado Rapids – Dick’s Sporting Goods Park, Colorado

July 18: Bayern Munich – Dignity Health Sports Park, Los Angeles

July 20: Fiorentina – Bank of America Stadium, Charlotte

July 24: Real Madrid – FedEx Field, Washington DC

July 28: Lyon – Emirates Cup

July 31: Angers – Stade Raymond Copa

August 4: Barcelona – Joan Gamper Trophy

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close