Ka bogo kulammada saaxiibtinnimo ee isu-diyaarinta xilli ciyaareedka cusub 2019-20 oo ay bishaan ciyaari doonto kooxda Liverpool

(Liverpool) 10 Luulyo 2019. Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa bilaabaysa u diyaar-garowga xilli ciyaareedka cusub ee horyaalka Premier League 2019/20.

Reds ayaa socdaal kala duwan bixin doonta iyadoo meelo ka baxsan England ku soo ciyaari doonta kulamo saaxiibtinnimo sida Mareykanka iyo Switzerland.

Kooxda Liverpool ayaa socdaalkeeda ugu horreeya waxa ay ku aadi doontaa dalka Mareykanka, balse waxa ay ladaba kulan ee ugu horreeya ee isu-diyaarinta xilli ciyaareedka cusub ay ku dheeli doonaan dalka England waxaana ay kala kala ciyaari doonaan kooxaha Tranmere Rovers iyo Bradford City.

Kooxda ka dhisan Merseyside-ka ee Liverpool ayaa intaas kaddib waxa ay u duuli doontaa dalka Mareykanka waxaana kulanka koowaad ay Indiana kula ciyaari doontaa Naadiga Borussia Dortmund 19 bishaan July.

Liverpool ayaa sidoo kale la ciyaari doonta kooxaha Sevilla, Sporting Lisbon iyo Napoli ka hor inta aysan kulankeeda ugu dambeeya ciyaaraha saaxiibtinnimo ee isu-diyaarinta xilli ciyaareedka cusub ku soo xirin kulan ay 31 bishaan Switzerland  kula dheeli doonto kooxda Lyon.

Haddaba halkaan hoose ka eeg kulamada saaxiibtinnimo ee ay kooxda Liverpool ciyaari doonto kuwaasoo ay isugu diyaarinayso xilli ciyaareedka cusub 2019-20 iyo taariikhda la ciyaari doono:-

July 11: Tranmere Rovers – Prenton Park

July 14: Bradford City – Valley Parade

July 19: Borussia Dortmund – Notre Dame Stadium, Indiana

July 21: Sevilla – Fenway Park, Boston

July 24: Sporting Lisbon – Yankee Stadium, New York

July 28: Napoli – Murrayfield

July 31: Lyon – Stade de Geneve, Switzerland

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close