Ka bogo kulammada saaxiibtinnimo ee isu-diyaarinta xilli ciyaareedka cusub 2019-20 oo ay bishaan ciyaari doonto kooxda Chelsea

(London) 10 Luulyo 2019. Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa u diyaar-garowga xilli ciyaareedka cusub ee horyaalka Premier League 2019/20.

The Blues ayaa socdaal kala duwan bixin doonta iyadoo meelo ka baxsan England ku soo ciyaari doonta kulamo saaxiibtinnimo.

Kooxda Chelsea ayaa ku sii jeeda dalka Japan socdaalkeeda ugu horreeya, waxaana kulankooda koowaad ee isu-diyaarinta xilli ciyaareedka cusub ay la dheeli doonaan 19 bishaan July Naadiga Kawasaki Frontale.

Chelsea ayaa dhowaan yeelatay macallin cusub waxaana ay magacowdeen halyeygooda ahna ninka ugu goolasha badan taariikhda kooxda ee Frank Lampard, kaasoo bedelay Macallin Sarri oo ka tagay Blues kuna biiray Juventus.

Kooxda ka dhisan London ee Chelsea ayaa kulamadeeda saaxiibtinnimo ee isdiyaarinta xilli ciyaareedka cusub waxaa ku jira kulan xiiso leh oo ay ballansatahay Barcelona, kaasoo ka dhici doona garoonka Saitama Stadium 23 bishaan July.

Chelsea ayaa kulankeeda ugu dambeeya ciyaaraha saaxiibtinnimo ee isu-diyaarinta xilli ciyaareedka cusub ku soo xiri doonta kulan ay 31 bishaan la dheeli doono kooxda RB Salzburg.

Haddaba halkaan hoose ka eeg kulamada saaxiibtinnimo ee ay kooxda Chelsea ciyaari doonto kuwaasoo ay isugu diyaarinayso xilli ciyaareedka cusub 2019-20 iyo taariikhda la ciyaari doono:-

July 19: Kawasaki Frontale – International Stadium, Japan

July 23: Barcelona – Saitama Stadium, Japan

July 28: Reading – Madejski Stadium

July 31: RB Salzburg – Red Bull Arena, Salzburg

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close