Zidane oo si RASMI ah ugu dhawaaqay Liiska xidigaha Real Madrid ee u safraya dalka Canada

(Madrid) 09 Luulyo 2019. Macalinka Faransiiska ah iyo Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa daaha ka rogay liiska xiddigaha kooxdiisa uu ula safri doono dalka Canada, si ay isugu diyaariyaan xili ciyaareedka cusub.

Liiska xiddigaha Real Madrid ee u safreysa dalka Canada ayaa lagu arkay inay ka maqan yihiin magacyada ciyaartoy ay ka mid yihiin sida Dani Ceballos, Casemiro iyo xiddiga dhawaan galka ah ee Éder Militão.

Real Madrid ayaa xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay ku dhameysatay iyadoo aan wax koob ah ku guuleysanin, taasoo sababtay in markale Zinedine Zidane dib loogu soo celiyo tababarka kooxda.

Hadaba liiskan uu ku dhawaaqay Zinedine Zidane si ay qeyb kaga noqdaan safarkooda dalka Canada ayaa kala ah:

Keylor Navas, Thibaut Courtois, Andriy Lunin, Altube, Sergio Ramos, Raphaël Varane, Nacho, Dani Carvajal, Marcelo, Odriozola, Ferland Mendy, Javi Hernández, Fuente, Luka Modrić, Toni Kroos, Isco, Vallejo, Mariano, Benzema, Bale, Vázquez, Asensio, Brahim Díaz, Vinícius Júnior, Eden Hazard, Luka Jović, Rodrygo Goes, Carlos Cobo.

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close