Waa maxay sabab uu Gonzalo Higuain caqabadda ugu yahay horay u socodka hawlgalka suuqa ee Juventus?

(Turin) 9 Luulyo 2019. Weeraryahanka Juventus Gonzalo Higuain ayaa ka biyo diidsan inuu ku biiro kooxda As Roma ama uu xitaa ka fakaro dalabyada kooxaha kale ee horyaalka talyaaniga.

Pipita ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Turin kadib markii uu laba waqti oo amaah aan loo riyaaqin ah kusoo qaatay kooxaha Ac Milan iyo Chelsea.

Inkastoo aan wali boos looga heynin kooxda Juventus iyadoo uu xitaa yimid Maurizio Sarri, hadana Sky Sport Italia ayaa sheegeysa inuu xiddigaan diidan yahay ku biirista Roma, wuxuuna ku adkeysanayaa inuu u dagaalamo booskiisa koxda.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Higuain uu sameystay tababare gaar ah oo culeyska ka dajiya si uu diyaar ugu noqdo dagaalka fasalka soo aadan.

Si kastaba Higuain wuxuu caqabad ku yahay horay u socodka hawlgalka suuqa ee kooxdiisa, maadaama aysan Mauro Icardi u dhaqaaqi karin isagoo jooga.

GOOL FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close