Romelu Lukaku oo doonaya inuu bishaan dhamaadkeeda ka hor yimaado Manchester United – Sidee?

(Yurub) 9 Luulyo 2019. Weeraryahanka Man United Romelu Lukaku ayaa doonaya inuu ka hor imaado kooxdiisa hadda marka la gaaro dhamaadka bishaan, waxeyna ka dhigan tahay inuu doonayo ku biirista Inter Milan.

Tababare Antonio Conte ayaa doonaya inuu badalka Mauro Icardi ka dhigo xiddiga reer Belgium Romelu Lukaku kaas oo lagu qiimeeyo adduun dhan 75 Malyan oo Pound.

Xiddigaan hadda wuxuu ku sugan yahay magaalada Perth ee dalka Australia halkaas oo ay kooxdiisa Red Devils ugu diyaar garoobeyso kulamada saaxiibtinimo.

Mirror ayaa baahisay in 26-jirkaan uu doonayo ku biirista Inter Milan maalmaha soo socda, si uu 20-ka July uga hortago Man United kulan ay labada kooxood ku ciyaari doonaan Singapore.

Romelu Lukaku wuxuu dhaliyay 42 gool isagoo laba fasal kooxda u saftay 96 kulan.

GOOL FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close