Miyuu Paul Pogba ka qeyb qaatay tababarka kooxdiisa Man United ku sameysay Australia?

(Australia) 9 Luulyo 2019. Kubad sameeyaha Manchester United Paul Pogba ayaa ka qeyb noqday xiddigaha kooxdiisa ee kasoo muuqday tababarkii ay ku sameeyeen Australia.

Xiddigaan heerka caalami ayaa la fahamsan yahay inuu doonayo ka bixitaanka Old Trafford, dhawaan ayey aheyd markii uu meel fagaare ah ka sheegay inuu doonayo tartan cusub oo meel kale ah, intaas waxaa sii dheer in wakiilkiisa Mino Riola uu ka dhawaajiyay sida uu macmiilkiisa u doonayo inuu isaga baxo kooxda Red Devils.

Paul waxaa si weyn u doonaya Real Madrid, sidoo kalana kooxdiisii hore Juventus ayaa si hoose u xiiseyneysa inkastoo ay culeys badan ku noqon karto hadii ay u dhaqaaqaan saxiixiisa.

Magaalada Perth ayey ku sugan yahiin ciyaartoyda Red Devils, labada saxii  ee cusub Daniel James iyo Aaron Wan-Bissaka ayaa ku jira, balse qof walba wuxuu sugaya waxa uu sameeyo Paul Pogba.

Paul wuu kasoo muuqda tababarka iyadoo ay wehliyaan dhawr ciyaartoy oo uu ka mid yahay Romelu Lukaku oo isna aad loola xiriirimayo inuu ka baxayo Old Trafford.

Si kastaba Ole Gunnar aya arbacada hor tagi doon saxaafadda wuxuuna ka jawaabi doona arrimo badan oo shakiyo badan laga muujinayo.

GOOL FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close