Maqaaxida Lionel Messi ee Argentina oo caawineysa dadka guryo la’aanta ah – Maxeyse bixineysaa?

(Argentina) 09 Luulyo 2019. Wadanka Argentina waxaa kasoo baxa ciyaartoyda kubadda cagtaka xamaasha kuwooda ugu badan, iyadoo ay taasi jirto hadana wadanka waxaa ku nool dad badan oo aan laheyn guryo.

Lionel Messi iyo qoyskiisa ayaa go’aansaday iney qeyb ka noqdaan dadka caawinaya dhibanayaasha aan hoyga laheyn, waxaana qidmad laga siiyay maqaaxida VIP ee ay ku leeyahiin magaalada Rosario.

Qoyskaan ayaa tan iyo jimcahii ku hawlanaa arrintaan, waxaana hawlwadeenada maqaaxida ay sheegeen iney arrintaan u qorsheeyeen muddo 15 maalmood ah.

“Waxaan siineynay Coffee, cabitaan fudud ama xitaa khamriga” ayuu yiri gudoomiyaha maqaaxida Ariel Almada.

“dad badan ayaa imaada, aad ayaan u xushmeynaa”

“waxaan hawshaan wadeynaa ilaa 15 maalmood, habeen walba 19:00 ilaa 21:00”

Sidoo kale waxaa jira iney cunto siiyaan dadka ay guryo la’aanta heyso ee ku nool magaalada Rosario.

GOOL FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close