Karl-Heinz Rummenigge oo jawaab xoogan ka bixiyay wareysi uu bixiyay wakiilka Manuel Neuer

(Germany) 09 Luulyo 2019. Guddoomiyaha kooxda Bayern Munich ee Karl-Heinz Rummenigge ayaa ka jawaabay wareysi uu wakiilka goolhaaye Manuel Neuer kaga hadlay suurtogalnimada uu kaga dhaqaaqi karo goolhaayaha reer Germany garoonka Allianz Arena.

Rummenigge ayaa shaaca ka qaaday inuu taleefan u diray Manuel Noyer si uu u caddeeyo hadalada kasoo yeeray wakiilkiisa oo si weyn ay kaga caroodeen guddiga sare ee kooxda Bayern Munich.

Thomas Kroth oo ah wakiilka Manuel Neuer ayaa sabtidii sheegay in Neuer uusan ka fariisan doonin kubadda cagta kaddib dhamaadka heshiiskiisa kooxda Bayern Munich ee gaarsiisan ilaa iyo 2021-ka.

Dhinaca kale wakiilka goolhaayaha reer Germany ee Manuel Neuer ayaa tilmaamay inuusan saxiixi doonin heshiis cusub hadii uu dareemayo in dhibaatooyin joogta ah ay ka heysato kooxda Bayern.

Hadaba Guddoomiyaha kooxda Bayern Munich ee Karl-Heinz Rummenigge oo jawaab cad ka bixinayay arrintan ayaa wuxuu yiri:

“Waxaan taleefan ka wacay Manuel Neuer, wuxuuna ii xaqiijiyay in wakiilkiisa Thomas Kroth aanu go’aamin karin arrin uu isagu raali ka ahayn”.

“Arrinta halkan waxa ay la xiriirtaa fikrad gaar ah, marka aan maqalnay warkan waxay xoogaa nagu noqotay layaab, laakiin xiriirka aan la leenahay Neuer waa mid aad u wanaagsan ilaa iyo haatan”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close