Xulka Ivory Coast oo u gudbay wareega siddeed dhamaadka koobka qarammada Afrika, kaddib markii ay si dirqi ah kaga adkaadeen Mali… + SAWIRRO

(Qahira) 08 Luulyo 2019. Xulka Ivory Coast ayaa u soo baxay wareegga siddeed dhammaadka koobka qarammada qaaradda Afrika 2019, kaddib markii ay 1-0 kaga badiyeen dhigooda Mali.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa ku soo idlaatay barbaro 0-0 ah oo ay isku mari waayeen labada xul qaran Mali iyo Ivory Coast.

Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta labada xul qaran ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u fiican, waxayna sameeyeen fursado cajiib ah si ay u dhaliyaan goolal.

Laakiin sheeko waxay is badashay daqiiqadii 76-aad, kaddib markii uu Wilfried Zaha hogaanka u dhiibay xulkiisa qaranka Ivory Coast, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 1-0.

Ugu dambeyntii Xulka Ivory Coast r ayaa iska xaadiriyay wareega siddeed dhamaadka koobka qarammada qaaradda Afrika 2019, kaddib markii ay 1-0 kaga adkaadeen dhigooda Mali oo tartankan isaga haray.

SAWIRRO:

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close