“Waxaa ka maqan ixtiraam” – Macalinka xulka qaranka Brazil Tite oo weeraray Lionel Messi

(Brazil) 08 Luulyo 2019. Macalinka xulka qaranka Brazil Tite ayaa dhaleeceen u jeediyay kabtanka Argantina ee Lionel Messi oo eedeymo ujeediyay garsoorka inta lagu gudi jiray tartanka Copa America 2019, kaasoo ugu dambeyntii ay xalay koobka ku guuleysteen martigaliyaasha tarankan ee Samba.

Brazil ayaa ku guuleysatay tartanka Copa America markeedii 9-aad taariikhdeeda, kaddib markii kulankii xalay ee finalka ay 3-0 kaga badisay Peru.

Lionel Messi ayaa kaddib marka uu qaatay kaarka roosaha kulankii Chile wuxuu yiri:

“Waxay arinta ku dhamaan laheyd kaarka digniinta ama Jaalaha ah aniga iyo ciyaaryahanka kale, laakiin waxay noqon kartaa inay sabab u tahay hadaladii aan sheegay kaddib kulankii lasoo dhaafay ee Sabtidii, balse waxaa muhiim ah in xulka uu si fiican kaga dhameystay tartankan”.

Hadaba Macalinka xulka qaranka Brazil Tite ayaa kaddib markii ay xalay ku guuleysteen koobka wuxuu ka jawaabay hadalada Lionel Messi wuxuuna yiri:

“Waxaan u tixgeliyaa Lionel Messi inuu yahay ciyaaryahan aan caadi aheyn, laakiin waa inuu noqdaa mid ixtiraam badan, isla markaana uu aqbalaa guul darrada iyo ceyrinta ama roosaha, Waa inuu taxadaraa”.

“Waxaan u ciyaarnay si nadiif ah kulankii Argantina, waxay ahayd khalad in la ceyriyo ma uusan u qalmin, Gary Medel ayaa u qalmay in la ceyriyo”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close