Wareegga 16-ka Koobka Qarammada Qaaradda Afrika oo caawa la soo gabagabeeyay, xili xulka Tunisia uu rigoorayaal kaga adkaaday Ghana… + SAWIRRO

(Qahira) 09 Luulyo 2019. Waxaa caawa lasoo gaba-gabeeyay Wareegga 16-ka Koobka Qarammada Qaaradda Afrika 2019, xili xulka qaranka Tunisia uu u gudbay wareega sidded dhamaadka ee tartankan, kaddib markii ay rigoorayaal 5-4 ah ay kaga adkaadeen dhigooda Ghana.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa ku soo idlaatay barbaro 0-0 ah.

Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta labada xul qaran ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u fiican, waxayna sameeyeen fursado cajiib ah si ay u dhaliyaan goolal.

Daqiiqadii 73-aad xiddiga Taha Yassine Khenissi ayaa hogaanka u dhiibay xulkiisa qaranka Tunisia, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 1-0, kaddib markii uu caawinta goolkan uu ka helay saaxiibkiis Wajdi Kechrida.

Balse xulka qaranka Ghana ayaa waxay heleen goolka barbaraha, kaddib markii uu daqiiqadii 90-aad xiddiga xulka Tunisia ee Rami Bedou uu gool iska dhaliyay, waxayna ciyaarta sidaas ku noqotay 1-1.

Ugu dambeyntii Xulka qaranka Tunisia ayaa iska xaadiriyay wareega siddeed dhamaadka koobka qarammada qaaradda Afrika kaddib markii ay rigoorayaal 5-4 ah kaga adkaadeen dhigooda wiilasha Ghana.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close