Wareegga 16-ka Koobka Qarammada Qaaradda Afrika oo caawa la soo gabagabaynayo, Kulamada la ciyaari doono & Saacadaha ay soo galayaan

(Qahira) 08 Luulyo 2019. Tartankan koobka qarammada qaaradda Afrika ee 2019 ayaa si habsami leh uga socda Magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar oo sanadkan iyagu marti-gelinayaan tartankan.

Waxaa sida qorshuhu yahay caawa la soo gabagabayn doonaa wareegiisa 16-ka koobka qarammada qaaradda Afrika ee 2019, iyadoo caawa la ciyaari doono 2 kulan oo ah kuwa ugu dambeeya wareeggan, waxaana is arki doona xulalka kala ah Mali vs Ivory Coast iyo sidoo kale Ghana vs Tunisia.

Haddaba halkaan hoose ka eeg Kulamada laga ciyaari doono caawa wareegga 16-ka Koobka Qarammada Afrika 2019 iyo saacadaha ay soo galayaan xilliga geeska Afrika:-

7:00 Fiidnnimo Mali vs Ivory Coast

10:00 Habeennimo Ghana vs Tunisia

Xulkii caawa soo adkaada Mali iyo Ivory Coast ayaa wareegga siddeed dhammaadka tartankan la ciyaari doona xulka Algeria, halka xulalka kale ee Ghana iyo Tunisia kii soo baxa caawa uu siddeed dhammaadka tartankan la dheeli doono Jasiiradda Madagascar.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close